Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hindiya ayaa ka qeybgalay kalfadhi uu lahaa baarlamaankaas isagoo xiran dharkii iyo astaamihii lagu yaqiinay hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hitler.
Naramalli Sivaprasad oo 67 jir ah ayaa sheegay inuu sidan u sameeyay si uu cabasho oga muujiyo balamo uu qaaday Ra’isul wasaare Narendra Modi oo uusan fulinin.
“Waxa aan samaynayo waa in aan soo jiito dareenka dadka si sahlan, taasna ay dadka ku kalifto in ay fikiraan” ayuu xildhibaanka.
Mar la weeydiiyay sababta uu usoo xirtay dharka Hitler ayuu ku jawaabay “Aniga wax kasta oon sameeyo ujeeddo ayaan ka leeyahay, Hitler wuxuu ahaa qof aan talo qaadanin, islamarkaasna aanan ka shaqaynin wanaagga dadka”, hadalkaas ayaa loo fasirtay in uu ula jeedo Ra’isulwaase Modi.
Ma ahan markii koowaad oo uu xildhibaankan isticmaalo gashiyo kala duwan si uu u muujiyo cabasho.
Mararka hore ayuu soo xirtay dharka Hindida wax ku caabudo iyo xitaa dharka haweenku ay xirtaan taasoo dad badan ka yaabisay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com