Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Xoogaga Al-shabaab oo ciidamada dowlada kala wareegay degaan muhiim ah

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen degaan lagu magacaabo Geedweyne oo ku yaalla duleedka degmada Doolow ee gobolka Gedo.

War ay baahisay Idaacadda al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xoogaga Al Shabaab ay gudaha u galeen degaanka iyagoo aanan la kulmin wax iska caabin ah, islamarkaana ay la hadleen dadka degaanka.

Dadka degaanka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Geedweyne ay isaga baxeen ciidankii Jubbaland ee ku sugnaa, ka hor inta alShabaab aysan gudaha u gelin degaanka.

Boqolaal ka tirsan dagaalayahanada Al Shabaab oo ku hubeysan hubka fudud iyo gantaalaha garbaha laga tuuro, ayaa ku roondeynayey gudaha iyo hareeraha degaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa sheegay iney degaankaas uga baxeen Xeelad dagaal, ayna dib ugu laaban doonaan saacadaha soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Maxay ka wada hadleen Qoorqoor iyo danjireyaasha reer galbeedka u fadhiya Somalia?

Caydiid Ali

Jeneraal Tuuryare” Uma qadanayo waxii xalay dhacay shil yar wax ku talagal ah bay aheyd & isku day dil “

admin

Faahfaahin: Masuul ka tirsanaa Maamulka Puntland oo Garoowe lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---