Madaxweyne Xassan Shiikh oo tacsi murugo leh u diray dowlada iyo shacabka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray Dowladda iyo Shacabka Turkiga oo la dhibaatoonaya dhul gariir khasaare badan geestay oo dalkaas ku dhuftay saaka waaberigii

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan shacabka iyo dowladda Turkiga uga tacsiyeynayaa dhulgariirkii ka dhacay Kahramanmaraş oo laga dareemay gobollo badan oo Turkiga ah,Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa intii ku dhimatay, intii ku dhaawacantayna waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale  waxaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray dowladda iyo shacabka Turkiga kadib markii subaxnimadii hore ee saaka uu dhulgariir xooggan ku dhuftay degmada Pazarcik ee gobolka Kahramanmaras ee koonfurta dalkaas kaasoo saameeyey gobolo badan.

Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.8 ayaa ku dhuftay koonfurta dalka Turkiga iyo waqooyiga Suuriya subaxnimadii hore ee saaka kaasoo dumiyay dhismayaal waxaana ku dhintay ugu yaraan 1.300 qof. Iyadoo boqollaal qof ay ku dhaawacmeen, waxaana la filayaa in khasaaruhu uu kordho iyadoo shaqaalaha samatabbixintu ay baarayeen burburka magaalooyinka aaggaas.

Labada dhinac ee xuduudka, dadka deegaanka ayaa hurdo la’aan ka qaaday dhulgariirka ka hor waaberiga, waxaana ay bannaanka u soo yaaceen xilli qabow, roob iyo baraf uu da’ayey, iyadoo dhismooyinka qaar ay dhulka la simeen.

- Advertisement -