Iran oo lagu eedeeyay Weerar Khasaaro geestay oo lagu qaaday Markabka Mercer Street

Laba shaqaale oo ka shaqeynayay markab shidaal oo ay maamusho shirkad uu leeyahay ganacsade caan ah oo Israeli ah ayaa lagu dilay xeebaha Cumaan, iyadoo saraakiisha shirkadda markabka maamusha ee fadhigeedu yahay London iyo militariga Mareykanku ay Jimcihii sheegeen in weerarku uu u muuqday mid ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn.

Israel ayaa ku eedeysay Iran. Tehran waxa ay “falkineysaa rabsho iyo burbur” ayuu yiri sarkaal Israa’iili ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka AFP.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah “ma aha dhibaatada Israa’iil oo kaliya, laakiin waa dhibaatada dunida. Hab dhaqankeedu waxa uu halis ku yahay xorriyadda isku gudubka maraakiibta iyo badeecadaha adduunka,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israel Yair Lapid ayaa sheegay in uu ku amray diblomaasiyiinta dalkaasi in ay ku cadaadiyaan Qaramada Midoobay in ay qaaddo tallaabo ka dhan ah Iran oo saabsan weerarka halista ah ee ay ku qaadday markabka uu maamulayay bilyanneer u dhashay Israel.

Markabka MT Mercer Street ayaa Khamiistii lagu weeraray waqooyiga Badweynta Hindiya, iyadoo ay weerarkaasi ku dhinteen laba ka mid ah shaqaalihii saarnaa.

Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, laakin falanqeeyeyaasha arrimaha badda ee ka tirsan shirkadda Dryad Global ayaa sheegay in “weerarkan ugu danbeeyay uu leeyahay astaamaha dagaalka dadban ee u dhexeeya Israel iyo Iran.”

Markabka Mercer Street, oo xanbaara haamaha shidaalka, ayaa ka soo safray Daarusalaam Tanzania kuna sii jeeday Fujairah ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, mana jirin wax xamuul ah oo uu siday markii la weeraray, sida ay sheegtay shirkadda maamusha.

Shirkadda Zodiac Maritime, oo fadhigeedu yahay London oo uu leeyahay ganacsadaha reer Israel Eyal Ofer, ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay qof u dhashay Romania iyo muwaadin British ah. Markabka ayaa laga leeyahay Japan, isaga oo uu ka babanayo calanka dalka Liberia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -