Xildhibaan kashifay sababta DF u bixin weyday Mushaharka ciidamada bishii January

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa sheegay in bishii dhamaatay ee January aysan dowladu wax mushahar siinin dhammaan ciidamada
Xildhibaanka ayaa sababo kala duwan ku sheegay sababta ku kaliftay DF ineysan bixin mushaharka ciidamada, wuxuuna kaga hadlay arintaas qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada oo sidan hoose u qornaa:-
————————————————————————————————-
Mushaarkii ciidamada xoogga dalka waxaa lagu soo waramayaa in aan la bixin bishii dhamaatay, uuna jiro qorshe ah in mushaar kordhintii ciidamada xoogga dalka loo sameeyey ee ku jirtey miisaanoyadda 2020 in qolo dhexe isku dayayso in ay goosato ugu yaraan mushaarkii bishii January.

Waxaa kaloo suuqa ku jirta in madaxda qaranka qaarkood la tuhunsan yahay in ay lacago ka mid ah mushaaraadka ay si khaas ah (private) ugu darsadeen suuqa sarrifka lacagaha qalaad (forex), si ay faa’ido ayaga u gaar ah uga raadsadaan, arrintaanoo noqonaysa khiyaano iyo musuqmaasuq weyn haddii sida loo sheegayo ay u dhacdo.

XILDHIBAAN FIQI

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -