Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Musharaxiinta ka horjeeda Axmed Madoobe oo lix qodob hor dhigay beesha Caalamka

Xili  magaalada Kismaayo ka socoto waanwaanta ay wadaan xubnaha beesha Caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan ka dhacay xarunt UN-ka ee Garoonka Kismaayo waxaa mowqifkooda ku soo bandhigay Golaha Isbedel Dooonka Mushariixinta Jubbaland.

Qoraal ay soo saareen ayey ku shaaciyeen lix shardi oo ay hordhigeen Wakiilka Q/Midoobay, kadib kulankooda markii uu weydiiyay waxa ugu yar ee ay doonayaan si Doorasahada Jubbalanad ay u noqoto mid la isku raacsan yahay oo xor iyo xaal ku dhacda.

Shuruudaha Musharixiinta ka horjeeda Axmed Madoobe hordhigeen Wakiilada Beesha Caalamka waxaa ka mida;

1- In la joojiyo dhammaan doorashada kala qeybsan, lana heli waqti lagu wadahadlo oo lagu ololeeyo.

2- In la kala diro labada Guddi ee Doorasho.

3- In lagu heshiiyo Guddi Doorasho oo labada dhinac ka yimaada.

4- In la heli Liis la isku waafaqsan yahay oo ah Odayaasha rasmiga ah ee Beelaha Jubbaland.

5- In Odayaasha saxda ah xaq loo siiyo inay soo xushaan xildhibaannada beelahooda ayna kursi kasta u soo xulaan hal xildhibaan.

6- In Doorashada Madaxweynaha ay qabtaan Guddi uu Baarlamaanka cusub dhiso ee aanu noqon mid uu hoggaamiyo Guddi doorasho.

Hoos ka akhriso qoraalka oo English ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Munaasabad weyn oo sagootin ah oo xalay ka dhacday Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo heshiis Muhiim ah kala saxiixday (Sawirro)

Cabdi Cade

Warbaahinta Imaaraadka Oo bilowday Dacaayad ka dhan ah Xiriirka Somalia iyo Qatar ( Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---