Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeysan oo caawa dil ka geystay Magaalada Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Dabley hubeysan ayaa caawa suuqaas dil ugu geysatay nin shacab ahaa.

Warka ayaa intaas ku daraya in ninka la dilay uu ka mid ahaa dhalinyarada ka xamaasha rarida gaadiidka dadweynaha ee isgoyska Bakaaraha.

Dableyda hubeysan ayaa baxsatay markii ay dilkaas geysteen ka dib, waxaana la sheegay askar ka tirsan milateriga oo ku dhowaa goobtaas inay rasaas ku fureen dableyda, ayna isku dayeen iney qabtaan ama dilaan balse uma suuragaelin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dableyda ay filim ka duubeen meydka ninka ay dileen ka hor inta aysan goobta ka baxsanin, lamana oga illaa hadda sababta loo dilay ninkan.

Dilalka qorsheysan ee noocan ah ayaa mar kasta ku laalaabta magaalada Muqdisho inta badana masuuliyadooda sheegta kooxda al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masjid 800- sano kahor laga dhisay Muqdisho oo dib u dhis lagu sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dilka Hardeep Singh oo Sabab u noqday in Khilaaf xooggan ka dhax curto Hindia iyo Canada

Cabdi Cade

Beesha Karanle oo taageertay Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug iyo Dadaalada Kheyre (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---