Taliska ciidanka Xoogga dalka oo u jawaabay sarkaal Ugandhes ah oo Somalia ku sifeeyey Doofaar

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka jawaabay hadal uu sheegay Colonel Ka tirsan AMISOM oo uu ugu gefay sharafta ciidamada xoogga dalka.

Wargeyska Foreign Policy ayaa soo xigtay Korneel Ka tirsan AMISOM gaar ahaan guutada Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, wuxuuna kornelka la barbar dhigay Soomaaliya Doofaar mar walboo la dhaqo Wasaqdiisu aan dhammaan.

Taliyaha hogaanka siyaasada iyo wacyigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare Cabdixamiid Shiikh Cali Xaydar oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay inay qalad ay tahay in Col. Katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Ciidamada Uganda uu sharaf dhac ku sameeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ciidanka AMISOM ayuu sheegay inay Soomaaliya ku joogaan nidaam isla markaana uu iskaashi kala dhaxeeyo ciidamada Xoogga dalka waxaana uu tilmaamay in AMISOM ay Soomaaliya u yimaadeen inay gurmad siiyaan dadka Soomaaliya balse aan looga baahneyn in ay xumaan ka sheegaan ciidamada xoogga dalka.

G/sare C/Xamiid Shiikh Xeydar waxa uu sidoo kale sheegay in sarkaalka u dhashay Uganda uu isagu Aqoon dheeri ah uu u leeyahay doofaarka uu sheegay, wuxuuna xusay aflagaadada uu u geystay Somalia awgeed ay sharciga ka tiigsan doonaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Col. C/xamiid in Uganda markii ay burbursaneyd ay Soomaaliya ciidamo ka socda tageen isla markaasna ay ku caawin jireen shacabka reer Uganda.

Dhismaha ciidamada qalabka sida ayuu sheegay in ay hortaagan yihiin dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, waxaana uu hoosta ka xariiqay qarashaadka lagu bixin lahaa dhismaha ciidamada inay qaataan ciidamada Amisom.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -