Masjid 800- sano kahor laga dhisay Muqdisho oo dib u dhis lagu sameeyay (Daawo Sawirada)

Waxaa dib u dhis balaaran lagu sameeyay Masjidka Taariikhiga ah ee Jaamac Shangaani ee magaalada Muqdisho, masjidkan ayaana mudo sanado badan ahaa mid bur bursan oon lagu dukan.

Masjidkan waxaa la hirgaliyay 800-Sano ka hor sida ay sheegeen culumada iyo odeyaasha Degmada Shangaani, waxa uuna Masjidkaan kamid yahay goobaha taariikhiga ah ee dalka ku yaala gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Dhismaha Masjidka Jaamac Shangaani oo dib u dhis lagu sameeyay waxaa xariga kajaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wasiir ku-xigeenka wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta ee XFS si ay ugu cibaadeystaan bulshada Caasimadda.

Xarigjarka kadib ayaa masuuliyiintan wax ay kormeer ku sameeyeen qeybaha uu masjidkan ka kooban yahay, qeybaha ay kormeeren waxaa kamid ah dhismaha masjidkaan uu kasii hooseeyo ama ka hoos dhisan Masjid kale oo dhismihiisa la hirgaliyay in ka badan 800-Sano ka hor.

Magaalada Muqdisho waxaa kuyaala dhismayaal badan oo taariikhi ah sanado badana dhisnaa ay ku jiraan masaajid, waxaana dhismayaashan qaar badan oo kamid ah ku bur bureen dagaaladii sukeeye ee dalka ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -