Beesha Karanle oo taageertay Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug iyo Dadaalada Kheyre (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta Muqdisho kulan ku yeeshay Waxgarad, Siyaasiyiin,Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Haween kasoo jeeda Beelweynta Karanle , waxaana kulankan lagu taageeray Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka furmaya Dhuuso Mareeb iyo dadaalada uu wado Ra’isul Wasaare Kheyre.

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo kamid ahaa waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa taageeray shirka dib u heshiisiinta ee dhawaan ka furmaya magaalada Dhuuso Mareeb ayna isugu imaanayaan beelaha dega Galmudug.

Waxa uu sheegay Ugaaska in beel ahaan taageersan yihiin shirka Dhuuso Mareeb ka furmaya iyo dadaalada ay Xukuumada Soomaaliya ugu jirto dhismaha maamul Galmudug loo mideesan yahay.

Dhamaan Waxgaradkii kala duwanaa ee kulanka ka hadlay ayaa taageeray shirka gogoshiisa taalo Dhuuso Mareeb, waxa ayna beelaha kale ee Galmudug ugu baaqeen in ay taageeraan shirka Dib u heshiisiinta iyo dadaalada lagu dhisayo Galmudug mideysan.

Halkan ka Akhriso War Murtiyeed laga soo saaray Shirka Beesha Karanle

 

War-murtiyeed

(24-07-2019) Muqdisho:—-Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen wax-garadka, culimada, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo haweenka beel weynta Karanle ayaa si buuxda loogu taageeray dadaallada dowladda Federaalku ay ka waddo Galmudug ee isugu jira dib-u-heshiisiinta, dhismaha ciidamada iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

Shirka beel waynta Karanle ee  lagu taageerayo dadaallada xukuumaadda ay ka waddo Galmudug waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kan:

  1. Beeshu waxa ay si buuxdo u taageersan tahay dadaalada xukuumadda Soomaaliya ay ka waddo Galmudug ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
  2. Beeshu waxa ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisinta ku ammaaneysaa magacaabista Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug ee loogu gogol xaarayo xal waara oo laga gaaro khilaafaadka bulshada reer Galmudug.
  3. 3-Beeshu waxa si buuxda u taageertay shaqada guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug ee u xilsaaran xal ka gaarista khilaafaadka bulsho ee ka dhex jira beelaha Galmudug
  4. 4-Beeshu markii ay deristay xaaladda deegaannada Galmudug iyo dadaladda Socda waxa ay si wadajir ah u taageertay go’aanka guddiga iyada oo si buuxda uga qayb geleysaa gogosha nabadeed ee ka fidsan magaalada Dhuusamareeb

BAAQ

  1. Ugu dambeyn , Beeshu waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan beelaha Galmudug in ay muujiyaan xil kasnimo iyo tanaasul si buuxdana ula shaqeeyaan guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiinta si xal waara loo gaaro looguna diyaar Garoobo dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo lagu gaaro doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhammaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -