Doorashada kursi ay ku tartamayaan Sagaal musharax oo ka bilaabatay Baledweyne

Waxaa goordhaw magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka bilaabatay doorashada labo kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka, waxaana kuraastan doorashadooda tahay mid xamaasad gaar ah leh.

Labada kursi ee doorashadooda ka bilaabatay magaalada Baledweyne ayaa kala ah HOP#011 uu ku fadhiyo wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya C/risaaq Maxamed Cumar iyo HOP#063 uu ku fadhiyo wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre.

Doorashada kursiga HOP#063 ayaa xamaasad gaar ah leh, kursigan oo doorashadiisa la furay waxaa ku tartamaya ilaa 9-musharax uu ku jiro xildhibaankii horey ugu fadhiyay,waxaana musharaxiinta qaar yihiin kuwa saameyn xoog leh.

Kursigan dadka u tartamaya waxaa ku jira nin ay isku hooyo yihiin Madaxweynaha maamulka Koonfur Cabdicasiis Laftagareen, waxaana ninkan la sheegay in taageero ka helayo Villa Soomaaliya.

Doorashada kursiga kale ee HOPO11 uu ku fadhiyo C/risaaq Maxamed Cumar ayaan xamaasd badan laheyn doorashadiisa, waxaana kursigan oo u muuqda mid loo xiray Xildhibaanka waxaa kula tartamaya wiil dhallinyaro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -