Somalia oo ka mid noqotay Isbaheysi cusub oo 8 dal ay ku Midoobeen (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Golaha Wadamada Carabta iyo Afrika ee ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ay martigelisay Caasimadda Sucuudiga ee Riyadh.

Wasiirrada ayaa waxa ay saxiixeen cahdiga golaha oo loogu gogol xaarayo si loo hordhigo Madaxda wadamada si ay u go’aamiyaan.

Isbahaysiga cusub ee dhidibada loo taagay ayaa ka kooban 8 dal oo Carbeed iyo Afrikaan, waxa ay kala yihiin Soomaaliya, Boqortooyada Sucuudi Carabiga, Masar, Urdun, Suudaan, Yemen, Eritrea iyo Jabuuti.

Dhinaca kale, U adeeggaha labada xaram ee sharafta leh Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud ayaa qaabilay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed iyo Afrikaan ee uu hareeyo Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo kala ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Mudane Sameh Shoukry, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha ee Boqortooyada Haashimiga ee Urdun, Mudane Ayman Safadi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Eritrea, Mudane Osman Saleh, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Yemen, Mudane Mohammad Al-Hadhrami, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, Marwo Asma Mohamed Abdalla, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mahamoud Youssouf.

Wasiirrada ayaa waxa ay u gudbiyeen U adeeggaha labada xaram ee sharafta leh salaanta ay ka sideen madaxda dalalkooda, halka loo sii dhiibay farriimo ku socoto hoggaamiyeyaasha dowladahooda.

Intii kulanka qaabilaadda lagu guda-jiray, waxaa la isla fallanqeeyay arrimo ku aaddan habka lagu horumarin karo iskaashi wadaagga wadamada ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadan si loo xoojiyo nabadgelyada iyo deganaanshaha gobolka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta la kulmay Dhiggiisa Sucuudiga Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, waxa ayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, sidoo kale waxa ay si hubaal ah u faaqideen in arrimaha heer goboleed si wadajir ah looga tashado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -