Barnaamij cusub oo lagula soconayo Imaamyada Masaajida Sacuudiga oo la sameenayo

Dowlada Sacuudiga ayaa wada qorshe ay ku sameeneyso barnaamij cusub oo lagu doonayo in lagu ogaado lagulana socdo Khudbooinka laga akhriyo masaajida kuyaala Sacduudiga iyo Imaamyada Salaada jameecada ku dheereeya.

Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee dowlada Sucuudi Carabiya, Cabdul Latif Alsheikh, ayaa sheegay in barnaamijkan cusub lagula socon doona tayada iyo dhererka khudbooyinka masaajida, sida ay qortay jariidada Al-watan ee Sacudiga kasoo baxdo.

Barnaamijkan cusub ayaa loogu tala galay in lagula socdo sidoo kale lagu qiimeeyo Imaamka Masaajida Sacuudiga, waxaa sidoo kale Barnaamijkan lagula soconaya Imaamka ka hadlaya waxyaabaha aysan Dowladu raaliga ka aheyn.

Sucuudi Carabiya ayaa haatan fekeraya isbeddel lagu sameynayo culuumta diinta, waxaana uu muran ka taagnaa in mid laga dhigo khudbooyinka masaajida laga akhriyo si dadka looga fogeeyo fikradaha shisheeyaha, ama mabaa’diida kooxda Ikhwaanul Muslimiin.

Dad badan ayaa shaki ka qaba qorshaha ay dowlada Sacuudiga ka leedahay Barnaamijkan cusub ee lagula soconayo Khudbooyinka ay akhriyaan imaamyada Masaajida kuyaala guud ahaan Sacuudiga .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -