Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo Farriin usoo dirtay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho

Magaaada Muqdisho ayaa saakay ku jirta jawi ka bedelan kii hore, waxaana magaalada saakay tahay mid inta badan bandow ah oo la hakiyay dhaq dhaqaaqa dadweynaha iyo sidoo kale gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.

Ciidamada ammaanka oo si weyn u feejigan ayaana lasoo dhigay waddooyinka magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada dadka iyo gaadiidkaba u diidayaan in ay maraan waddooyinka muhiimka ah.

Madaxweynayaal ka socda dalalka dariska ah ayaa saakay magaalada Muqdisho u imaanaya ka qeybgalka shir looga hadlayo ammaanka gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo sidii ay dalalkaasi u taageeri lahaayeen.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al Cadaalada oo fariin soo diray ayaa shacabka ka raaligaliyay culeeska saakay ka jira Muqdisho, waxa uuna xusay in laga shirayo sidii meesha looga saari lahaa kuwa culeeskan abuuray uu ku tilmaamay Al Shabaab.

”Shacabkeenna sharafta badanoow, Dawladdiinu waa ogtahay duruufaha Aad ku nooshihiin kumana faraxsana culaysyada aad la kulmaysaan balse waxeey ku faraxsantahay in ay ka shaqaynayso sidii meesha looga saarilahaa kuwii abuuray duruufahaan (Khawaarijta” ayuu yiri Al Cadaalada.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana la qabsaday xirnaashaha waddooyinka magaalada Muqdisho ee xilliyada qaar, waxaana madaxda hadda joogta kuwii ka horeeyay ku dhaliili jireen in ay xiraan waddooyinka halka iyagiina hadda raadkii hore qaadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Kenya oo saakay isaga baxay Deegaan Istaraatiiji ah iyo Al Shabaab oo la wareegtay

Cabdi Cade

Musharax Baarlaman iyo dad kale oo lagu laayey qarax ka dhacay Peshawar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay nin ajanabi ah oo katirsanaa kooxda Daacish +Sawir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---