Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo arrimo Muhiim ah kala hadlay Mohamed Bamba (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa  ku qaabilay xafiiskiisa , Madaxa Ergada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) u qaabilsan Soomaaliya, Amb Mohamed Bamba M. Boba.

Kulanja dhax maray labada masuul ayaa looga wada hadlay sidii loo sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa howlaha samafal ee ururku ka wado dalka Soomaaliya, loona gaarsiin lahaa gobollada dalka oo dhan.

Ururka waddamada Islaamka ayaa dalkeenna ka fuliya mashaariic samafal oo isugu jira qodista ceelal biyood, dhismaha iyo dayactirka xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho, wuxuu sidoo kale ururku fuliyaa hawlo gargaar oo degdeg ah.

Ururkan oo ay ku mideysan yihiin 56 dal oo Muslim ah ayaa lagu asaasay waddanka Morroco bishii Sebtembar  sannadkii 1969, waddankeenuna wuxuu ku biiray Isla sannadkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha caalamka oo quus ka taagan dhexdhexaadinta madaxda Soomaalida

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho iyo Pier Mario Daccò oo kormeer ku tagay Casa Italia oo dib loogu wareejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---