Masuul uu maalin ka hor Magacaabay RW Xamse oo xilka la wareegay (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta xilkii u kala wareejiyay Xoghayihii Joogtada hore, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, iyo Xoghayaha Joogtada Cusub, Mudane Xamse Aadan Xaadow.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal (Fanax), agaasimayaasha waaxyaha, la-taliyayaasha iyo qaar ka mid ah howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Dhammaantoodna waxay gacmo furan ku soo dhoweeyeen Xoghayaha Joogtada cusub, waxayna ugu hambalyeeyeen, uguna duceeyeen xilka iyo mas’uuliyadda, halka Xoghayihii joogtada jore u rajeeyeen mustaqbal iftiin badan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa u magacaabay Xamza Adan Xaadoow, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka.

- Advertisement -