Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Cali Yaasiin oo kawada hadlay arrin Muhiim ah (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Bangiga dhaxe ee dalka oo uu hogaaminayey Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Dr Cali Yaasiin Sheekh.

Kulanka ayaa lagaga hadlay dib u howlgalinta Bangigii dhaxe ee dalka faraciisa kuyaalay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose oo burburkii dalka kadib aan dib loo howl galin.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Cali Yaasiin ayaa isla soo qaaday sida ugu macquulsan ee dib loogu howlgalin karo faraca Bangiga Dhaxe ku lahaa magaalada Kismaayo oo hadda xarun KMG u Jubbaland.

Kulankan ka dhacay xarunta madaxtooyada Jubbaland waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyada Jubaland Xuseen Xirsi Axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaarada Maaliyada iyo Bangiga dhaxe ee Jubaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -