Khilaaf meel adag gaaray oo ka taagan dib u dhiska Suuqii gubtay ee Hargeysa

Waxaa cirka isku sii shareeray Khilaaf u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo dowladda hoose ee magaalada Hargeysa, kaasoo salka ku haya cida maamuleysa deeqaha loogu talo galay dib u dhiska suuqii gubtay ee ee Magaalada Hargeysa.

Labada dhinaca ayaa ayaa warbaahinta isku mariyey cida ka shaqeyneysa maamulka iyo dib u dhiska suuqa oo haatan ka socdo howlo nadaafadeed oo ay waddo dowladda hoose ee hargeysa.

Maamulka Dowladda Hoose ee Hargeysa oo uu khilaafka kala dhexeeyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa ku doodaya in looga dambeeyo howlaha shaqo ee Suuqa isla markaana aysan soo faragelin Madaxtooyada, halka Xukuumadana ay rabto inay maamusho dib u dhiska Suuqa gubtay ee Waaheen.

Wasiirka Howlaha guud ee Somaliland Cabdilaahi Abakor oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in howlaha nashqadaynta iyo dib u dhiska suuqa ay iyagu leeyihiin, isagoo xusay in qandaraaska ay u gudbin doonnaan guddida qandaraasyadda, taasoo ka careeysiisay dowladda hoose ee Hargeysa.

“Shaqadan shaqo ay Dawladda Hoose qabanayso maaha, shaqada cidda qabanaysaa nidaam ayey maraysaa, markay nashqadeeda samayso Wasaarada Hawlaha guud iyo guriyeyntu waxa lagu soo wareejin doonaa Guddida qandaraasyada qaran, iyadaa waajibaad keeda sharci ka gudan doontaayuu yiri Cabdilaahi Abokor.

Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa oo qoraal ay arrintan kaga hadleyso soo saartay ayey ku sheegtay in marka la dhammeeyo nadiifinta Suuqa Waaheen inay bilaabayso dhismihiisa.

Lacago fara badan oo malaayiin dolar gaareysa ayaa loogu deeqay Suuqa gubtay ee magaalada Muqdisho, waxaana khilaafkan uu muujinayaa in cid walba ay dooneyso in iyada looga dambeeyo maamulka lacagtan faraha badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -