Daroogo badan oo lagu soo qariyay kartoono ay ku qornaayeen Magaca Ronaldo oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay daroogo badan oo lasoo galiyay magaalada New Yourk, waxaana daroogadan lagu soo qariyay kartoono ay ku qoran yihiin magacaa ciyaaryahanka Cristiano Ronaldo.

Howlgal ay ciidamada booliiska Mareykanka ka sameeyeen magaalada New Yourk ayey kusoo qabteen daroogo tiro badan oo nuuca kookeenta ah, waxaana daroogadan la qabtay lagu qiimeeyay lacag gaareysa 1.5 milyan ginni.

Daroogadan tirada badan ee lagu qabtay magaalada New Yourk ayaa lagu soo qariyay kartoomada uu alaabaha ku soo saaro cabtanka xulka Purtugal , waxaana kartoomada ku xardhanaa calaamada ciyaaryahanka ee CR7.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale guriga laga soo qabtay daroogada kasoo helay hub iyo 10 kun doolar oo kaash ah iyo mashiinada lacagta lagu tiriyo, waxaana daroogadan la sheegay in la doonayay in si hoose loo iibiyo.

Howlgal ay booliiska New Yourk sameeyeen ayaa sidoo kale lagu soo qabtay labo nin oo la tuhmayo in daroogadan ku lug leeyihiin kuwaas oo mid kamid ah la qabtay isaga oo wata lacag gaareysa 200-kun dollar oo kaash ah.

Kooxaha burcada ee ka ganacsada daroogada ayaa marar badan sidoo kale u isticmaalay magaca ciyaaryahanka Cristano Ronlado iyo shaqsiyaad kale oo caan ah si ay daroogada uga gudbiyaan garoomada diyaaradaha iyo baro koontarool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -