Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

C/raxmaan Xuseen Wardheere oo Al-Shabaab ay ugu yeeri jireen Bilaal ayaa sheegay inuu muddo 12 sano ka mid ahaa kooxdaas.

Inta badan dhalinyaradda iyo saraakiisha ku jirta Al-shabaab ayuu C/raxmaan sheegay inaysan qanaaco ku qabin, isagoo ugu baaqay in ay ku soo biiraan dowladnimada, kana faa’ideystaan cafiska Madaxweynaha iyo barnaamijka dadkaaga kamid noqo ee wasaaradda amniga.

C/raxmaan Xuseen Wardheere, ayaa dowladda Soomaaliya ugu mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay, wuxuuna ka sheekeeyay sidii uu u soo baxsaday.

Waxaa uu sheegay C/rxamaan Xuseen Wardheere inuu ka qoomameynayo, uuna ka xun yahay dhibaatadii loo geystay shacabka Soomaaliyeed mudaduu uu ka mid ahaa al-Shabaab, isaggoo cafis weydiistay shacabka.

C/rxamaan Xuseen Wardheere Bilal, ayaa sheegay in farqi weyn uusan u dhexeynin Alshabaab iyo daacish, hase yeeshee waxaa ay isku hayaan ay tahay xukun iyo maamul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dibed baxyo kale oo maanta ruxay Magaalooyin ka tirsan dalka Iran

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Labo Danjire (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Deni oo diiday qaar ka mid ah qodobadii ay soo saareen ururada Siyaasada Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---