Cabdi Max’uud Cumar oo la qabtay & xog ku aadan halka loo kaxeystay

Madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar ayaa la sheegay ciidamada militariga federaalka qabteen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Max’uud Cumar ay militarigu u kaxaysteen magaalada Addis Ababa.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya qaabka loo qabtay madaxweynihii hore iyo ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Suldaan Cabdullaahi Bashiir oo ka mid ah salaadiinta Soomaalida Itoobiya oo haatan ku suggan Jigjiga ayaa sheegay in madaxweynaha xilka ka degay si xun loola dhaqmay, isla markaana loo awood sheegtay.

Balse Mas’uuliyiin kale ayaa beeniyay in jirdil lagu sameeyay Cabdi Max’uud Cumar, waxayna arrintaas ku sheegeen mid lagu kicinayo dadka oo lagu doonayo in xiisad lagu abuuro.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galabta maqribkii ka degay Garoonka Diyaaradaha Bole International ee magaalada Addis ababa, isagoo la socday diyaarad Helikobtar ah oo milateriga ay leeyihiin, waxaana la sheegay inuu wadahadallo la leeyahay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya.

Shalay ayay hayd markii madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay.

Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Shiikh Max’ed oo ahaa wasiirkii maaliyada dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -