Ciidamadii Eritrea laga keenay oo laga qaadayo Muqdisho iyo Xog ku aadan halka la geenayo

Magaalada Muqdisho waxaa dhawwaan lagu soo celiyay boqolaal askari oo kamid ahaa ciidamadii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, waxaana ciidankan la dejiyay xeryo milatari oo kuyaalla magaalada Muqdisho.

Sida aan ku helnay xogo hoose ciidankan laga keenay dalkka Eritrea ayaa la filayaa in loo qaado deegaannada maamulka Jubbaland si ay halkaasi uga bilaabaan howlgalo cusub oo ka dhan ah Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku heshiiyay in kun askari oo katirsan ciidamada Eritrea lagu soo tababaray la geeyo Jubbaland si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Al Shabaab looga saarayo gobolka Jubada Dhaxe.

Ciidamada lagu soo tababarayo dalka Eritrea ayaa loo daabuli doonaa deegaannada Jubbaland marka magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyo ciidamo kale oo wali ku harsan dalka Eritrea oo la filayo maalmaha soo aadan in Muqdisho laga soo dejiyo.

Xogta aan helnay ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland la geenayo caawin doonaan ciidamada Danab ee ku sugan Jubbaland iyo ciidamada Daraawiishta maamulkaasi oo hadda lasii diyaarinayo.

Gobolka Jubbada Dhaxe ayaa gabi ahaan ka maqan gacanta maamulka Jubbaland, waxaana gobolkaasi maamulkiisa gacanta ku haya oo saldhigyo waa weyn ku leh dagaalyahanada Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dhawwaan deegaanadda Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay ka bilaaban doonaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab marka laga soo jeesto howlgalada ka socda Hirshabelle iyo Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -