Allbanaadir.com
NEWS

Jilaa caan ah oo katirsaneyd Nollywoodka oo qaadatay Diinta Islaamka

Haweeney filim sameeye ama jilaa caan ka ah gudaha dalka Nigeria oo la yiraahdo Mercy Aigbe ayaa qaadatay diinta Islaamka, waxayna la baxday magaca Hajia Meenah kaddib shahaadada loo qabtay.

Xidigtan oo katirsan shirkadda sameysa filimada Nollywood ee dalka Nageria ayaa islaamnimadeeda ku muujisay kulan uu goobjoog ka ahaa seygeeda oo lagu magacaabo Kazeem Adeoti.

“Insha Allah, hadda kaddib magaceygu waa Hajia Meenah Mercy Adeoti, waxaana ahay haweeney muslimad ah,waan xasilay, waana faraxsanahay. Waana markii koowaad oo aan soomo bisha Ramadaan.” ayey tiri Hajia Meenah.

Gu’yaalihii lasoo dhaafay dad caan ah oo jilayaal u badan ayaa qaadanayay diinta wannaaga badan ee Islaamka, waxayna ku biirayeen dadkaasi bulshada ugu ballaaran dunnida oo ah Muslimiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuno dil iyo Xabsi daa’in ah oo lagu riday rag dilal ka geestay Muqdisho

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamada Israel oo Gaza ku qaaday Weerar Dhulka ah

Cabdi Cade

Dilal aargoosi qabiil oo ka dhacay Muqdisho iyo laamaha amaanka DF oo War ka soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---