Milkiilaha Shirkadda Facebook oo lacag ka dhigay calaamada buluugga ah (Verified)

Milkiilaha shirkadda Facebook Mark Zuckerberg  ayaa ku dhawaaqay in wixii ka dambeeya calaamada baluuga (Verified) laga dhigay Lacag.

Qof kasto oo calaamadaas raba wuxuu bixin doonaa bil walba lacag gaareysa 11$ ilaa $14.

Subax wanaagsan iyo ku dhawaaqida go’aanka cusub: usbuucan waxaan bilaabeynaa inaan soo saarno Meta Verified — adeeg isdiiwaangelin kaasoo kuu ogolaanaya inaad ku xaqiijiso akoonkaaga aqoonsiga dawlada, hesho calaamad buluug ah, hesho ilaalin dheeraad ah oo meesha ka saaraysa been abuurka iyo akoonnada sheeganaya inay adiga yihiin” ayuu yiri Mark Zuckerberg

Waxaa uu intaas ku daray: “Habkan cusub waxa uu ku saabsan yahay kordhinta xaqiiqada iyo amniga guud ahaan adeegyadayada. Meta Verified wuxuu ka bilaabmaa $11.99/bishii webka ama Pagekana $14.99/bishii”

Tijaabada koowaad ayaa lagu samayn doonaa waddamada Australia iyo New Zealand halka Caalamka kalena uu ku xigi doono.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili dhowaan Milkiilaha Twitter uu sheegay in bil walba lacag sideed dolar ah laga rabo dadka bartaasi isticmaala ee cinwaanadoodu heystaan calaamada Verified ee buluugga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -