Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cabdi Xaashi oo la kulmay wafdigii uu horkacayey Dr. Ahmed Awad Bin Mubarak (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka SareĀ  ee BFS, Senator Abdi Hashi Abdullahi, ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadaha ee dalka Yemen Dr. Axmed Cawad bin Mubarak oo booqasho ku jooga Dalka.

Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee labada dal, dhibaatada argagixisada iyo sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada Dal.

Guddoomiyaha iyo Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Wasiirka arrimaha dibadda XFS, Mudane Abshir Cumar Jaamac iyo xubno kale.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Jaaliyadaha ee dalka aan walaalaha nahay ee Yemen, Dr. Axmed Cawad bin Mubarak oo booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku jooga Muqdisho.

Inta uu wasiir Dr. Axmed iyo wafdigiisa joogaan dalka waxay wadahadalo la yeelanayaan madaxda sare ee dowlada. Sidoo kale wasiirku wuxuu booqan doonaa qaar ka mid ah xarumaha dowladda.

Dalka Yemen oo aan wadaagno xiriir qoto dheer oo leh dhinacyada Dadka, Taariikhda, dhaqanka iyo dhaqaalahaba waxaan iska kaashanaynaa sidii aan usii xoojin lahayn xiriirkaas soo jireenka ah, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Related posts

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday

Cabdi Cade

Qax ka bilowday gobol katirsan Mareykanka iyo Madaxweyne Biden oo Digniin…

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo mar kale safar ku tagaya magaalada Cadaado

Cabdi Cade
Taboola Ads ---