Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ku dhintay Diyaarad dhulka kusoo dhacday (Sawirro)

Shil diyaaradeed oo ay ku dhinteen wasiirro katirsan dowladda Ukraine iyo masuuliyiin kale ayaa ka dhacay duleedka magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine, waxaa sidoo kale shilkaasi ku dhintay carruur yaryar.

Diyaarad nuuca qumaatiga u kaca oo ay la socdeen wasiirka arrimaha gudaha Ukraine, kuxigeenkiisa iyo xubno kale oo dowladda katirsan ayaa ku dhacday deegaan kuyaalla duleedka magaalada Kyiv.

Shilkaan diyaaradeed waxaa ku dhintay 18-qof oo ay ku jiraan wasiirka arrimaha gudaha Ukraine Denys Monastyrskyi, ku xigeenkiisa Yevhen Yenin iyo xoghayihii gobolka ee wasaaradda arrimaha gudaha Yurii Lubkovych iyo xubno kale.

Diyaarada burburtay waxaa la socday sagaal qof oo ay ku jiraan wasiiradda iyo masuuliyiinta kale kuwaa oo dhammaantood geeriyooday, dadka shilka ku geertiyooday waxaa sidoo kale ku jira labo carruur ah iyo dad kale oo ku sugnaa goobta ay ku dhacday.

Dowladda Ukraine ayaan wali faahfaahin sababta shilkan diyaaradeed dhalisay, waxa ayna diyaarada ku dul dhacday goob wax lagu baro carruur , waxaana shilkaasi ka dhashay dab iyadoona si degdeg ah carruurta looga daadgureeyay goobtaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -