Dalal Soomaaliya ay ku jirto oo loogu deeqay Lacag aad u badan

Dowladda Japan waxay sheegtay inay 130 million oo Dollar ku wareejisay Barnaamijka QM ee Cuntada Adduunka (The United Nations World Food Programme WFP) si loogu Taageero dadka aadka u nugul ee ku nool 37 Waddan oo ku yaalla Africa, Bariga Dhexe iyo Asia oo ay ka jiraan Xaallad Macluul.

Lacagaha ay Dowladda Japan ku wareejisay Hay’adda WFP ayaa loo qoondeeyey sidatan:

¤ Dalka Ukraine waxa uu saami ahaan u helay in ka badan 19.1 million oo Dollar

¤ Dalka Afgaanistaan 12.4 million oo Dollar

¤ Dalka Myanmar 13.9 million oo Dollar

¤ Dalkeena Somalia lacag dhan 5 million oo Dollar oo loo adeegsan doono Gargaarka Degdega ee Cuntada Kaalmada ee la siinayo Dugsiyada, iyadoo ay taagan tahay Qalalaasaha Abaaraha.

¤ Dalka Ethiopia lacag dhan 3.9 million oo Dollar oo ay WFP u adeegsan doonto Naf-badbaadinta ee daaweynta Nafaqaynta we carruurta mogul, Haweenka Xaamilada, Naas-nuujinta haweenka ay waxyeelada ka soo gaartay Colaadii dhawaan ka dhacday Waqooyiga Ethiopia.

¤ Dalka Yemen waxay Deeqda Japan ee la soo marsiiyey Hay’adda WFP ka heleen 6 million oo Dollar oo lagu Taageerayo dadka nugul ee ku nool dalkaasi oo ay Colaadaha halakeeyeen, xilli ay Qiimaha Cuntada sare u kacern.

Dhanka kale, Agaasimaha WFP ee Xafiiska Xiriirada Japan, Naoe Yakiya waxay sheegtay inay Taageerada Dhaqaale ee Japan timid, xilli aad loogu baahnaa, iyadoo carrabba ku dhufatay in Qaaraankaasi badbaadin doono, isla markaana wax ka bedeli doono Nolosha inta badan dadka nugul ee ku jira xaallad nololeed oo khatar ah.

W/T Ustaad Nuradin

- Advertisement -