Madaxweyne Qoor Qoor oo Boggaadiyay guul weyn oo saakay gaareen Ciidanka huwanta

War saxaafadeed uu goordhaw soo saaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayuu kaga hadlay qabsashada  ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Qoor Qoor ayaa si weyn u boggaadiyay guusha saakay gaareen ciidanka is garabsanaya ee milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka, kuwaa oo si buuxda ay ula wareegay degmada Ceeldheer oo in ka badan 12-sanno ku jirtay gacanta Al Shabaab.

”Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka, iyo ciidanka kacdoonka shacabka ay ku xoreeyeen Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa cadeeyay in ay sii soconayaan howlgalada ka dhan ah Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in uusan istaagi doonin howlgalada hadda socda ilaa Al Shabaab laga saaro guud ahaan deegaannada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -