Sargaal Ciidan iyo askar badan oo lagu dilay weerarkii saakay lagu qaaday Xawaadley

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ciidanka milatariga Soomaaliya kaga sugnaayeen deegaanka Xawaadley ee hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Weerarka ayaa ku bilowday gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay qeybo kamid ah saldhigga , waxaana qaraxyada kaddib saldhigga ku yaacay oo weerar toos ah ku galay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Dagaal ku dhawwaad saacad socday ayaa ka dhacay gudaha saldhigga la weeraray iyo duleedkeeda, waxaana la sheegay in Al Shabaab u suurto gashay in ay galaan xerada ayna halkaasi ka qaataan hub sidoo kale gubaan qaar kamid ah gaadiidkii ciidanka.

Weerarkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen saraakiil iyo ciidamo badan oo saldhigga ku sugnaa, waxaana dadka ku dhintay kamid ah taliyahii Guutada 3-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka XDS korneyl Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey).

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo gurmad ah ayaa gaaray deegaanka Xawaadley ee saakay weerarka lagu qaaday, waxa ayna ciidanka halkaasi kasoo qaadeen askar dhaawac ah halka sidoo kale duug u diyaarinayaan askartii geeriyootay.

Al Shabaab ayaa marar hore isku dayday in weerar kan saakay lamid ah ku qaado deegaanka Xawaadle , hasa ahaatee ciidanka NISA iyo kuwa caalami ah oo helay xogta weeraradaasi ayaa  duqeyn ku dilay qaar kamid ah Shabaabkii weerarka qorsheeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -