Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Hobyo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhiga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa saakay soo gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Ujeedada safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay in uu ku aaddanyahay  dardargelinta howlgalada dib u xoreynta ah ee ka socda deegaanada Galmudug gaar ahaan gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta degmada Hobyo, halkaas oo uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida, gudoonka gobolka, maamulka degmada iyo masuuliyiin kale,

Qoor Qoor ayaa wada abaabul dagaal oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro gobolka Mudug gaar ahaan degmada Xarardheere oo ah saldhiga ugu weyn ee Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha ciidanka dhulka oo tagay xerada Arbacow amarna siiyay ciidanka jooga (Sawirro)

Cabdi Cade

Howl-galinta Guddiyada doorashada & Aamusnaanta Jubaland iyo Puntland & Wararkii ugu danbeeyay !!

admin

Dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo ku biiray Maamulada federaalka Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---