Dowladda oo Shaacisay in saakay la dilay in ka badan 20-xubnood oo katirsan Al Shabaab hubna laga furtay

Milatariga Soomaaliya ayaa shaaciyay in saakay dileen dagaalyahano badan oo katirsan kooxda Al Shabaab, kuwaa oo qorsheenayay in weerar gaadmo ah ku qaadaan fariisimo ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS leeyihiin.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage aaa sheegay in howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga iyo kuwa ATMIS oo ka dhacay deegaanka Danow ee gobolka Sh/Hoose lagu dilay 23-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Jeneraal Odawaa in ciidanka xoogga dalka ay heleen xogta dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo is uruursanayay, kuwaa uu tilmaamay in ay qorsheenayeen in ay soo weeraraan fariisimo ciidan, balse iyaga weerar kedis ah lagu qaaday laguna laayay.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka saakay ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose Al Shabaab looga soo furtay hub iyo saanad ciidan oo ay wateen, waxa uuna xusay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -