Ciidamo Huwan ah oo goordhaw la wareegay Degmo katirsan gobolka Galgaduud

Ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya oo gacan weyn ka helaya kuwa deegaanka ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay degmada Galcad oo katirsan degmooyinka gobolka Galgaduud.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka Al Shabaab kala wareegeen degmada Galcad.

Ciidamada milatariga iyo kuwa deegaanka ayaa malamihii lasoo dhaafay howlgalo ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan waday degmada Galcad, waxa ayna ciidamada hadda qorsheenayaan howlgal kale ay ku qabsadana degmada Xarardheere.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ka socda qeybo kamid ah gobolka Galgaduud ayaa sheegay in  qorshahooda yahay in ay si buuxda Al Shabaab uga saaraan degmooyinka ay joogaan gaar ahaan degmada Ceeldheer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -