Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Wafdi horu dhac ah u ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed gaaray wafi uu hoggaaminayay agaasimaha guud ee madaxtooyada Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud .

Masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay agaasimaha madaxtooyada Qaranka iyo wafdiga kale ee la socday.

Wafdigan gaaray magaalada Baydhabo ayaa hordhac u ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo beri lagu wado in uu gaaro magaalada Baydhabo, halkaa uu ka furmayo shirka dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

Shirka dib u heshiisiinta ee loo qabanayo siyaasiyiinta iska soo horjeeda ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa gogoshiisa dhigay guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana lagu wadaa in Madaxweyne Xasan Sheekh ka qeyb galo furitaanka shirkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saddex Xildhibaan oo Daqiiqado gudahood kusoo baxay Doorasho aan lagu tartamin (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Falastiini hubeysan oo dil ka geystay bartamaha Tel Aviv & Booliska Israel oo..

Caydiid Ali

Mareykanka oo xaqiijiyey in Muwaadinkii labaad looga dilay dagaalka Ukraine

Caydiid Ali
Taboola Ads ---