Burcad hubeesan oo dhac u geesanayay dad Shacab ah oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Ciidanka Booliska saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa i maanta gacanta kusoo dhigay tuugo dhac u geysatay dad shacab ah oo ku sugnaa goob ganacsi oo ku taal deegaankaas.

Ciidanka booliiska ayaa ragaan burcadka ah kasoo qabtay deegaanka carbiska ee hoostaga Afgooye iyagoo baxsad ah, waxaana haatan ay ku jiraan gacanta ciidanka ammiga oo baaris kuwada.

Muddooyinkii u damnbeeyay ciidanka booliska deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waday howlgalada ka dhan ah burcadda hubaysan iyo kooxaha ku labista dareyska Ciidanka ee dadka shacabka ah dhac iyo dhibaatooyin kalaba ku hayay.

Ciidamada booliiska ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda kusoo qabqabtay kooxo burcad hubeesan oo shacabka dhac u geesanayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -