Ciidamada dowlada oo baaritaan adag ku sameeyey Masjid caan ka ah Muqdisho

Ciidamadda Nabad sugida Soomaaliya ayaa galabta howlgal culus ka fuliyey qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyagoo galay masaajidyo iyo dhismeyaal kale.

Howlgalka ugu weyn ayey ciidamadu ka sameeyeen Masjidka Abuu Hureyra oo ka mid ah Masaajidada caanka ah ee magaalada Muqdisho oo ku yaalla galbeedka suuqa bakaaraha gaar ahaan agagaarka xarumaha shirkadaha.

Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa isku gedaamay qaarkoodna gudaha u galay masjidka, iyagoo baaritaano xoog leh ku sameeyey jameecada Masaajidka markii salaaddii Casir laga baxay, iyagoo sidoo kale fatashay masjidka oo labo dabaq ka kooban sida ay sheegeen jamecada masaajidka qaarkood

Baaritaanka ka dib ciidamada ayaa halkaasi ka kaxeystay Imaamkii Masjidka Abuu Hureyra oo lagu magacaabo Macalin Cabdiraxmaan Guurre, lamana oga illaa hadda sababta ay u wateen iyo halka ay la aadeen.

laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan weli ka hadlin arintan oo ku soo aadeysa xili ciidamada dowlada ay howlgalo aad u xoogan oo baaritaan ah ka wadaan magaalaada Muqdisho .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -