Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa maanta xaafada Gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen nabadoon caan ka ahaa degaankaas

Marxuum Cabdi Gaabow Cali Jimcaale ayaa rasaas lagu furay xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla agagaarka Xoola qalkii hore ee degmada Dayniile.

Ciidamo kuwa Booliska ee ka howlgalla Waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo meydka Nabaddoonka geeyay Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ku soo batay dilalka qorsheysan, waxaana horaantii todobaadkan Xaafada Jungal ee degmada Yaaqshiid lagu dilay nabadoon kale, iyadoo sidoo kale degmada Dharkaynley lagu dilay habeen hore ganacsade caan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -