Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamo ka qeyb galaya Howlgalka lagu qabsanayo Xarardheere oo la sagootiyay (Sawirro)

Ciidamo katirsan daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug oo ka qeybqaadanaya howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmada Xarardheere ayaa maanta laga sagootiyay deegaanka Saqiiro ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa ciidankan oo wata hubka nuucyadiisa kala duwan ka sagootiyay deegaanka Saqiiro.

Wasiirka oo la hadlay ciidankan ayaa sheegay in looga fadhiyo ka qeybqaadashada howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, gaar ahaan xureynta degmada Xarardheere iyo deegaanno kale oo dhaca gobolka Mudug.

Ciidamadan ayaana ka qeybqaadanaya howlgal wadajir ah oo ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa deegaannka ku doonayaan in Al Shabaab kala wareegaan degmada Xarardheere iyo deegaanno kale oo dhaca gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Puntland oo kulamo Wadatashi ah ka bilaabay Garawe (Sawirro) 

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo kormeeray ciidamada DF ee lagu tababarayo Eritreya (Sawirro)

Caydiid Ali

Qareenkii Madaxweyne Trump oo xukun adag lagu riday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---