Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamadda Sare waxba uma goyn karto kursiga Fahad Yaasiin (Akhriso cadeymo)

Fahad Yaasiin, waxba uma goyso Maxkamadda Sare ee dalka. Hayeeshee hadduu si dadban iyo meesha wax ka jiraan wax ka doono waa loo qaateen in ur iyo iftiin u baxo! Sababtu waa in Fahad waxa kursigiisa lagu haysto aysan ahayn oo keliya habraaca doorashada kursigaas u dhacday ee gaboodfallo iyo eedo waa weyn loo haysto!

Maxkamadda Sare wax door qaanuuni ah iyo awood sharci oo doorashada dadban ku leedahay ma jirto. Horey ayeyna sidaan oo kale Maxkamadda Sare, iskugu dayday in ay gasho galdacwadeed Xildhibaanno ashtako iyo eed loo jeediyey habraacii lagu doortay.

May 16, 2017 ayaa Maxkamadda Sare ee dalku xukun iyo go’aan laalid ah ku dul ridday siddeed {8} Xildhibaan oo Golaha Shacabka ka tirsan oo khilaaf ka dhashay Habraacyadii lagu doortay.

Xildhibaanadaas waxaa ugu caansanaa kursiga dhexyiilay;

Cabdullahi Maxamed Adan (Shaacir)  VS Maxamed Mukhtar Ibrahim oo doorashadiisu ka dhacday Kismaayo iyo Maxamed Axmed Abtidoon VS Caasho Xaaji Cilmi ee doorashadiisu taalay Degmada Cadaado.

Dacwadda iyo galka Xildhibaanadaaas waxaa berigaas galay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan iyo afar garsoore oo Maxkamadda Sare xubno ka ah. Go’aanka Maxkamadda Sare wuxuu soo baxay xilli dalka doorasho rasmiya oo guddoonka Labada Aqal iyo tan Madaxtooyadu dhacday oo dalku Ra’iisul Wasaare iyo Xukuumad cusub ka talinayso. Saas oo tahay cidna warkii Maxkamadda Sare, isma weydiin oo Shaacir, Abtidoon iyo xubnihii kale shantoodii sano si xarrago leh ayey ku dhameysteen!

Sababta aan Maxkamadda Sare go’aankeeda waxba looga soo qaadin 2017 ayaa daarnayd in heshiis iyo habraacyo dadban oo xal, dan iyo duruuf keentay doorashada lagu galay 2016/17 iyo haddaba (2021/22) oo Maxkamaddeenna Sare aysan waxba dhankeeda jirin!

Fahadow aad Xildhibaan rasmiya oo heshiis ku meelmara noqoto waxaa ka horreeya shubankii aad sheegtay!!

W/Q. Mahad Gelle

HOOS KA AKHRISO QORAALADA DACWADIHII HORE

Related posts

Madaxweyne Biixi oo si aan Caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dil iyo qarax ka dhacay degmada Afgooye iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Mid ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada & ku-xigeenkiisa oo dacwad laga gudbiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---