Dowlada Somalia oo beenisay Warar ay qoreen wargeyso ka soo baxa dalka Kenya

Dowlada Somalia ayaa beenisay warar ay qoreen Wargeysyada dalka Kenya oo sheegayey inuu sababay dameer shilkii diyaaraddii xamuulka aheyd oo 14-kii bishan ku bur-burtay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Xasan ayaa been aan waxba ka jirin ku sifeeyey in shilka diyaaradda uu sabab u ahaa dameer soo galay dhabbaha dayuuradaha  ee garoonka ugaas Khaliif.

“Waxaan idiin caddeynayaa in weli baaritaannadii ay socdaan, warbixin la sii daayayna aysan jirin, illaa haddana ma heyno cadeymo muujinaya in shilkaas uu sababay dameer” ayuu yiri Maareeye Axmed Macallin.

Wargeyska Business Daily ee ka soo baxa Kenya  ayaa daabacay in dameer daaqayay dhabbaha ay diyaaradaha ku ordaan uu sabab u ahaa iney burburto dayuuradii shilka ku gashay garoonka Ugaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -