Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo Tina Intelmann kala hadlay arrin xasaasi ah oo la xiriirta Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Modowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Tina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay Arrimaha amniga, gaar ahaan howlgallada baahsan ee kooxda khawaarijta alshabaab looga xureynayo deegaanada Hirshabeelle oo guulo muhiim ah laga gaaray.

Sidoo kale Kulankaan ayaa sidoo kale looga hadlay kor u qaadida mashaariicda horumarinta iyo muhiimada ay leedahay in deegaanada la xureeyay laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada aasaasiga ee muhiimka u ah Dowladda.

Inta badan degaanada hoos taga gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa laga saaray Al-shabaab ka dib kacdoon ay sameeyeen shacabka goboladaas oo taageero ka helaya ciidamada dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo arrintaas  ka faa’iideysanaya ayaa mudooyinkan xoojiyey kulamada uu la leeyahay danjireyaasha dalalka reer galbeedka u jooga Somalia iyo wakiilada beesha caalamka, isagoo ka raadinaya taageero dheeraad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Amar culus bixiyay iyo Ciidamo badan oo katirsan Danab oo ….

Cabdi Cade

Al Shabaab oo weerar culus oo qaraxyo ku bilowday saakay ku qaaday magaalada ….

Cabdi Cade

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay deegaanno Al Shabaab ku sugnaayeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---