Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Israel oo dil argagax leh ka geystay woqoyiga Magaalada barakeysan ee Qudus

Maamulka Falastiin aya sheegay inay Askarta Israel Waaberigii hore ee maanta oo Khamiis ah toogasho ku dileen Aabe Falastiini ah oo ku sugnaa Xerada Qaxootiga Degaanka  Qallandiya oo dhanka Waqooyi kaga toosan  magaalladda Qudus.

Aabaha la dilay waxaa lagu magacaabi jirey Samiir Awni Xarbi Aslan oo 41 jir ahaa,  kaasoo u geeriyooday rasaas ay Askarta Israel kaga dhufteen Laabta.

Wakaallada Wararka Falastiin ee WAFA waxay sheegtay in Marxuumka la dilay, xilli uu doonayey inuu Wiilkiisa ka badbaadiyo Askarta Israel oo kaxaysan lahayd.

Dhanka kale, Askarta Israel waxay dileen waxay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay dileen 3 Muwaadin oo Reer Falastiin ah.

Shalay oo Arbaco ahayd waxay dileen Marxuumiinta lagu kala magacaabi jirey Axmed Amiir Abu Janayd oo 21 jir ahaa iyo Sanad Maxamed Samasra oo 19 jir ahaa.

Tiro-koobkii u dambeeyey ee Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Falastiin soo saareen waxa lagu sheegay in bishan oo keliya ay Askarta Israel diledn 7 qof oo Falastiiniyiin ah oo 3 ka mid ah aysan Qaangaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Xog) Khilaaf la xiriira doorashada oo ka dhex curtay Madaxweyne Qoor-qoor iyo ku-xigeenkiisa

Caydiid Ali

Milatariga Soomaaliya oo kusii siqaya Wabxo iyo Wararkii Ugu Dambeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka XDS oo qarxiyey miinooyin lagu aasay duleedka degmada Balcad (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---