Allbanaadir.com
GALMUDUGMUQDISHONEWS

(Xog) Khilaaf la xiriira doorashada oo ka dhex curtay Madaxweyne Qoor-qoor iyo ku-xigeenkiisa

Khilaaf la sheegay inuu salka ku hayo arrimo la xiriira doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamanka Somalia ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhex curtay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-qoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Labada masuul ayaa isku haya qodob ku saabsan in doorashada Aqalka sare loo xiro Musharaxiin gaar ah iyo in laga dhigo mid furan oo si cadaalad ah loo tartamo sida ay ku waramayaan ilo ku dhow Madaxtooyada Galmudug.

Qoor-qoor ayay wararku sheegayaan inuu doonayo inuu si madax-banaan u maamusho xubnaha uu sida gaar ah u doonaya iney soo baxaan, isagoo ku xigeenkiisana u diiday in doorashada loo xiro xubin uu wato oo ka mid noqonaya musharaxiinta aqalka sare.

Siddeeda xubnood ee ka imaanaya maamulka Galmudug ayaa waxaa dooranaya baarlamaanka maamulkaas, waxayna dooda u adag ka taagan tahay in kuraasta Siddeeda ah loo xiro shaqsiyaad gaar ah oo uu gadaal ka taagan yahay Qoor-Qoor iyo inay noqoto mid daah-furan oo loo tartami karo.

Khilaafka cusub ee Qoor-Qoor iyo Gacal ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa loolanka adag ee mas’uuliyiintu ugu jiraan iney xubno muuqda ku dhex yeeshan goleyaasha cusub ee dowlada afarta sano ee soo socota dalka maamuli doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Daah furay Wajiga Labaad ee Manhajka Dugsiyada Dalka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

 Shuruud lagu xiray Cafis loo fidiyo Col Caare xili la cafiyay Ciidankiisa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maqaayado ay leeyihiin shirkadda Cuntada ee KFC oo weerar lagu qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---