Ciidanka XDS oo qarxiyey miinooyin lagu aasay duleedka degmada Balcad (Sawirro)

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 3-aad qeybta 27-aad ayaa howlgal Amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyey degmada Balcad iyo degaanka Qalimoow ee Gobolka shabeelaha dhexe.

Wadada ayaa intii uu howlgalka socday waxay Ciidanka ku qarxiyeen ku dhawaad 5 miino oo kooxda Al-Shabaab ku aaseen inta udhexeeysa  degaanada Gololey iyo Raaxoy.

Taliyaha guuto 3-aad qeybta 27-aad ee ciidanka XDS Gaashaanle Sare Abshir Maxamud Maxamad Shitiqeey oo Howlgalka hoggaaminyay ayaa sheegay in ujeedka Howlgalka uu ahaa nadiifinta qaraxyada.

“Argagixisada waxay ugu talagaleen miinooyinkan inay ku dhibaateeyaan shacabka ku socdaala inta u dhexeeyso Balcad iyo Qalimow balse ilaahay baa mahad leh ciidanka XDS ayaa ka saaray” ayuu yiri taliyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -