Muxuu Wasiir Jaamac kala hadlay saraakiisha ciidanka Turkiga ee Muqdisho jooga? (Sawirro)

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay, xerada tababarada ciidamada ee TÜRKSOM ee magaalada Muqdisho, waxaa wasiirka halkaas ku soo dhaweeyay saraakiisha maamusha.

Wasiirka ayaa indha-indheeyay qeybaha iyo fasallada lagu tababaro saraakiisha iyo askarta xoogga dalka.

Intii uu ku guda jiray kormeerka shaqo, saraakiisha gacanta ku haysa tababarka ciidanka ayaa wasiirka uga warbixiyay halka uu marayo tababarka u socda saraakiisha iyo askarta ciidanka CXD.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay walaalaha Turkiga oo qeyb weyn ka qaadanaya tababarka iyo qalabeynta ciidanka, si loo helo ciidan awood leh oo ka saara dalka argagixidada, sugana ammaanka guud.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.” ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay dugsiga TÜRKSOM, tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaana ka soo baxay saraakiil iyo askarta tayo leh oo haatan qeyb ka ah ciidamada xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -