Ra’isul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Mombasa (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi balaaran uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalo xeebeedka Mombasa ee Dalka Kenya.

Rooble iyo wefdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Mombasa kusoo dhaweeyay Wasiiro katirsan Xukuumada Kenya iyo Masuuliyiin kale, waxaana soo dhaweynta kadib loo galbiyay Wefdiga Rooble hotel gaar ah oo loo diyaariyay.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in kulan gaar ah la qaato madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta, waxa ayna labada dhinac kawada hadli doonaan arimo dhoor ah ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Kenyatta kawada hadlaan  sidii loo soo celin lahaa xiriirka labada dal u dhaxeeyay ee xumaaday mudooyinkii lasoo dhaafay .

Safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku tagay dalka Kenya ayaa imaanaya xili uu soo baxay khilaaf u dhaxeeya Rooble iyo Farmaajo, waxaana khilaafka qeyb ka ah safarka uu Rooble u aaday dalka Kenya uusan ku qanacsaneyn Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -