Ogow Dambiga uu Ronaldo ku sameeyay gudaha Sacuudiga iyo ciqaabta adag ee lagu muteysto

Tan iyo Markii uu Cristiano Ronaldo ku biiray kooxda ka dhisan dalka Sacuudiga ee Al-Nasr waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta lagu faafinayay muuqaallo laga arkayo isagoo la cunteynaya madaxda Sacuudiga, mararka qaarna waxa uu sameynayay jimicsi.

Xiddiggan weli ma uusan ciyaarin kulankiisii ugu horreeyay ee qeyb ka ah horyaalka Sacuudiga, maadaama ay saarneyd xayiraad labo ciyaar ah oo ay kusoo rogeen xiriirka kubbadda cagta ee Ingiriiska.

Hase yeeshee waxaa hadda si weyn loo hadal hayaa arrin ku saabsan isaga iyo haweeneyda lamaanihiisa ah oo ay Sacuudiga isla joogaan.

Gudaha dalka Sacuudiga, waxaa mamnuuc ah in nin iyo haweney aan is guursan ay sameeyaan xiriir jinsi ama galmo, waana arrin dambi ka ah dalkaas oo ciqaad aad u adag lagu muteysto.

Qaar ka mid ah dadka ka hadla arrimaha ciyaaraha, oo ay soo xigatay BBC-da laanteeda luuqadda Urdu ayaa sheegay in Ronaldo uu gogol la wadaagayay lamaanihiisa oo lagu magacaabo Georgina, taasoo aysan weli is guursan.

Mowduucan ayaa hadal-heyn aad u weyn ka dhex abuuray baraha bulshada, dadka qaarna waxay sheegayeen in Ronaldo uu halis ugu jiro sharciga ciqaabta adag.

Waxaase xusid mudan in la sameyn karo fasax gaar u ah Cristiano oo looga weecinayo in uu qabto xeerkaas.

Weli ma jiro wax war ah oo ay dowladda Sacuudiga iyo kooxda u uku biiray laacibkan kasoo saareen arrintaas.

Ronaldo qudhiisa wax jawaab ah kama uusan bixin hadal-heyntan sii ballaaraneysa.

Warbaahinta caalamka qaarkeed, oo uu ka mid yahay wargeyska Hindistan Times ayaa qoraya in Ronaldo iyo lamaanihiisa ay si bareer ah u jebiyeen sharciga Sacuudiga, halka mas’uuliyiinta dalkaasna ay ilaa hadda iska indho tirayaan arrintaas.

Tallaabadii uu ciyaaryahankan taariikhiga ah ugu biiray horyaalka Sacuudiga ayaa isbaddal weyn ku sameysay guud ahaan kubbadda cagta Carabta, inkastoo dhinaca kalena la rumeysan yahay in ay saameyn doonto dhaqanka iyo shuruucda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -