Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne cusub oo loo magacaabay dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya

War goor dhow ka soo baxay golaha fulinta Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay iney madaxweyne cusub u magacaabeen maamulka Soomaalida Itoobiya.

Go’aankan ayaa yimid ka dib kulan ay isugu yimaadeen oo ka dhacay magaalada Jigjiga.

Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa la sheegay inuu is casilay ka dib rabshadaha khasaaraha geystay ee ka dhacay magaalooyinka Jigjiga iyo Diridhaba.

Golaha Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxay u Magcaabeen Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed (Ilkacase) oo ahaa wasiirkii Maaliyada Dowlad degaanka Soomaalida.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay sheegeen in Cabdi Maxamuud Cumar looga yeeray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iscasilaadiisa kadibna halkaas ayuu u duulay.

Lama oga waxaa xaalada jirta ay ka bedeli karto isbedelka lagu sameeyey hogaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Lamaane isku waayay dagaalkii 2-aad ee Adduunka oo 75 sano kadib is helay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxkamad sii deysay nin dil ugu hanjabay Ilhaan Cumar iyo Xubno kale

Caydiid Ali

Jubbaland oo war culus ka soo saartay dagaalkii Raaskamboni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---