Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qarax lagu hoobtay oo ka dhacay bartamaha Magaalada Bologna (Daawo Sawirro)

Qarax weyn ayaa ka dhacay magaalada Bologna  ee dalka Talyaaniga, sida laga Xiganayo wakaaladda ANSA kaasoo geystay khasaare xoog leh.

Gaadiidka dab damiska iyo gaadiidka gurmadka deg degga ayaa ka qeyb qaatay la tacaalidda dhibaatada,

Waxaa ku dhintay qaraxan illaa shan qof halka 70 kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo 12 ka mid ah dadka dhaawacyadu gaareen ay liitaan.

Muuqaallo laga qabtay qaraxa ayaa dadka deegaanku ay ku  baahiyeen Warbaahinta bulshada ay ku kulanto, waxaana muuqanaya uuro madoow oo hawada isku shareertay iyo dab weyn oo ka dhashay qaraxan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu yimid kadib markii gaari booyad ah oo batrool waday uu ku dhacay gaari kale, waxaana halkaas ku gubtay gaadiid fara badan.

Dadka magaalada ayaa bilaabay iney booqdaan isbitaalada, iyagoo dhiig u shubaya dhaawacyada faraha badan ee ka dhashay qaraxan.

????????

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo go’aan cusub ka soo saartay Muslimiinta Maraykanka ee dalkeeda booqanaya

Caydiid Ali

Dayax Madoobaadkii ugu waqtiga dheeraa qarnigan oo 19ka bishan la filayo & Somalia oo..

Caydiid Ali

RW Rooble oo kormeeray Xarumaha Xiriirka Dadweynaha ee 449 (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---