Rasaas caawa la isku weydaarsaday Dhuusamareeb & Wararkii ugu dambeeyey

Sida ay sheegayaan warar goor dhow soo gaaray warqabadka shabakada Allbanaadir Online rasaas xooggan ayaa goor dhow isqabsatay qeybo ka mid ah magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta maamulka Galmudug.

Rasaasta oo ah mid goos goos ah ayaa ka dhaceysa nawaaxiga Madaxtooyada Galmudug iyo xarunta Inji oo ay kala degan yihiin madaxda isdiidan ee Galmudug iyo Ahlu sunna.

Sidoo kale labada xarumood oo ku yaala meelo isku dhow ayaa waxaa ku sugan ciidamo kala taabacsan maamulka ahlu suna iyo kan Galmudug oo wararku sheegayaan in iska horimaadkan uu dhexmaray.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in iska horimaadka uu bilowday markii gaari ay wateen ciidamada ahlu suna oo ka soo baxay xarunta Inji uu jiiray Kontrol ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada ee taabacsan Galmudug kaasoo ku yaalla agagaarka Madaxtooyada.

Goob joogayaal ayaa sheegaya Xaalada magaalada Dhuusamareeb ay kacsan tahay, uuna gabaabsi noqday dhaqdhaqaaii ka jiray magaalada waxaana xirmay inta badan ganacsiga iyadoo socodka gaadiidka iyo dadweynaha uu yaraaday.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in xiligan oo saacadu ku sii dhow dahay saq dhexe ee habeenimo xaalada magaalada ay yara degan tahay, inkastoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos goos ah, welina lama hayo tafaasiil ku saabsan khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan.

La soco wixii soo kordha..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -