Ciidamada Liyuu Booliis oo gacanta ku dhigay Xubno katirsan Al Shabaabkii weeraray

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Liyuu booliiska dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wali la dagaalamaya dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo weerar ku qaaday deegaano katirsan gobolka Afdheer.

Dagaal goosgoos ah oo u dhaxeeya labada ciidan ayaa lasoo sheegayaa in uu ka socdo deegaano kuyaalla xadka labada dal, waxaana dagaalkan khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray labada dhinac.

Saraakiil katirsan ciidamada Liyuu booliiska ayaa sheegay in dagaalka ku dileen dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale gacanta kusoo dhigeen dagaalyahano nool oo isugu jira ku dhaawacyo qaba iyo kuwa caadi ah.

Waxa ay sheegeen in dagaalyahanada Al Shabaab katirsan ee soo qabteen xabsiyo loo gudbiyay halka kuwa dhaawacyada qabana lagu daweenayo goobo caafimaad oo kuyaalla dowlad deegaanka.

Dagaalka dhax maraya maalintii saddexaad dagaalyahano katirsan Al Shabaab iyo ciidamada Liyuu booliiska Itoobiya ayaa dhaliyay khasaaro badan oo dhimasho oo labada dhinac kala gaaray, lamana ogaan karo ilaa hadda khasaaraha rasmiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -